MW ku-xigeenka Jubbaland oo ku wajahan degmada Garbahaarey ee G.Gedo

17

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wefdi uu hogaaminayo Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan,Wasiiro iyo Odayaal dhaqameedyo la filayo in maamlmaha soo aadan ay gaaraan degmada Garbahaarey ee gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maamulka  Jubbaland uu wato labo qorsho oo kala ah haddii Garbohaarrey loo diido wefdigooda inay diidaan doorashada Garbohaarrey lagu wado in lagu qabto  , balse  haddii loo ogalaadana ay saameyn taban ku yeelan donan kuraasta 16-ka xildhibaan ee lagu dooran doono degmadaaasi.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in wefdiga ka tagaya Magaalada Kismaayo ay magacaabi doonaan  maamulka cusub ee degmada Garbaaharey, kadib markii ay kulamo  la tashiyo ay la qaataan  bulshada qeybaheeda kale duwan.