Hay’adda Nasad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Shabakad ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo la sheegay iney ku howlanaayeen qalqal-gelinta amniga magaalada Baydhabo oo Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Tirada xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee Hay’adda NISA gacantooda ku jira waxaa ay gaarayaan 12-ruux, iyadoo ay ka mid yihiin dad qaba Baahiyaha gaarka ah, kuwaas oo ciidamadu ay baaritaan ku sameynayaan.
Taliyaha Nabad Sugida Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Maxamuud Maxamed Xasan “Shaahiyow” ayaa sheegay in tirada dadka la qabtay eek a tirsan Al-shabaab ay gaareyso 12-ruux, islamarkaana hadda ay ku jiraan gacanta laamaha amniga, islamarkaana cadaaladdana la horkeeni doono.
Soo qabashada Shabakadan ayaa ku timid wada shaqeyn ka dhaxeysa laamaha amniga iyo bulshada magaalada Baydhabo iyo guud ahaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, sida laamaha amnigu sheegeen.