Guddiga doorashooyinka oo sheegay in doorashada Golaha Shacabka ka bilaaban doonto maamulada

4

Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay bilaabeen qorshihii lagu dardargalin lahaa hanaanka doorashooyinka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in todobaayada innagu soo aaddan doorashada Golaha Shacabka ay si rasmi ah u bilaaban doonto.

Dowlad Goboleedyada dalka ayuu sheegay in ay maanta bilaabeen in loo diro agabka doorashooyinka oo dhameystiran deegaanada loo qorsheeyay in ay doorashooyinku ka dhacaan.

Gudoomiyaha ayaa xusay in sidoo kale doorashada gobolada waqooyi ay si rasmi ah u bilaabatay lana doortay labo kursi inta dhimana la dooran doono inta bishaan ka dhiman.