Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Shir Ka Furtay Muqdisho

4

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u Heshisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay magaalada Muqdisho ka daahfurtay Shirka 2-aad ee dib-U-Eegista Hanaanka dhab u Heshisiinta Qaran

Shirkaan oo socon doono mudo labo Maalmood waxaa daahfuray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo dib u heshisiinta ee XFS Mud. Saciid Cabdullahi Calasow.

Waxaana shirkan oo sanadkii mar la qabto kasoo qayb galay Xubno ka socda Dowlad Goboleedyada Dalka,Gobolka Banaadir, Odayaasha Dhaqanka iyo Ururada Bulshada Rayidka.