Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug oo Ahlu Sunna kala wareegay Guriceel.

2

Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya degmada Guriceel ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo iyo kuwa Galmudug ay maanta duhurnimadii Kooxda Ahlusunna ay kala wareegeen inta badan goobihii ay ku sugnaayeen uu ka mid yahay saldhigii Boolidska ee Guriceel.

Goob-joogayaal ku sugan magalaadaasi ayaa waxay sheegeen inay arkeen gaadiidka dagaalka ciidamada dawlada iyo kuwa galmudug oo gudaha usoo galay Guriceel.

Dagaalka oo saakay aroortii uu xogeysa billowday ayaa weli socda waxaana ay dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka culus, iyadoo u jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dhinacyada.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaa halka loo yaqaano Ceelka Cali Faarax iyo dhanka bari magaalada guriceel ku taallo halkaasi oo ay weli ku sugan yihiin ciidamada daacada u ah Ahlusuna waljamaaca.

Dad shacab ah ayee waxyeelo kasoo gaartay madaafiicdii la isweydaarsanayey islamarkaana ay ku habsadeen guryo iyo goobo ganacsi, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmigaa.

Xaafado ka tirsan degmada Guriceel waxaa lagu arkayaa Cidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo wata gawaari gaashaaman, kuwaas oo gaaf wareegaya wadooyinka degmadaasi qeybo ka mid ah.