Qarax khasaaro ka dhashay oo lala eegtay Ciidamo ka tirsan Puntland.

53

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntlamd waxaa lagula eegtay degaanka Sugurre ee duleedka Magaalada Boosaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Boosaaso gaar ahaan deegaanka Sugurre ayaa ku waramaya in qarax miino halkaa lagula eegtay Ciidamo ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay wateen gaadiidka dagaalka kuwaa oo ku wajahnaa degaanka Af-urur, iyadoo la sheegay in Qaraxa kadib ay Fureen Ciidanka rasaas badan oo aan Khasaaro geesan.

Khasaaraha Ciidanka kasoo gaaray Qaraxa Miino ayaa lagu sheegay in hal Askari uu ka dhaawacmay, iyadoo intaa faah-faahin ka badan aan laga helin khasaaraha.

Inta badan Ciidanka Puntland ayaa weeraro qaraxyo ah kala kulma Al-Shabaab, kuwaas oo uu kasoo gaaro Khasaaro dhimasho u badan, iyadoo kooxdaasi ay guulo ka sheegtaan.