Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha oo fasaxday shaqaalihii dowladda+Sababta

148

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee XFS oo War qoraal ah ka soo baxay ayaa lagu sheegay in shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa gaarka ay fasax yihiin maalinta Isniinta ee ku aaddan 12 bisha Mowliid si loo wayneeyo dhalashada Rasuulkeenna Suubban (NNKH).

Wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu hambalyeysay shaqaale weynaha Soomaaliyeed iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee muslimiinta dhalashada nabigeena (SCW).

Hoos ka akhriso:-