Maxay ka wad hadleen Madaxweynaha KGS iyo Wakiilada ka socday Beesha Caalamka?

15

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) ayaa kulan la qaatey wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay uga horreyso ku-xigeenka Wakiilka Qaramalda Midoobay ee Soomaaliya, ayna qeyb ka ahaayeen Safiirada UK iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga hadley Xaalada Dadkii laga soo musaafuriyey Laascaanood, Amniga guud Iyo Doorashooyinka Golaha Shacabka ee la filayo in ay ka bilawdaan deegaannada Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed.

Kulanka kadib madaxweynaha ayaa u mahadceliyay wakiilo ka socday Beesha Caalamka oo ay uga horreyso ku-xigeenka Wakiilka Qaramalda Midoobay ee Soomaaliya oo ay qeyb ka ahaayeen Safiirada UK iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya.