Ra’iisul Wasaare Rooble oo Warbixin ka dhageystay Safiirka Somalia ee Qatar

5

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo weli ku sugan Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa Maanta booqday xarunta safaaradda DFS ku leedahay Magaaladaas.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kormeeray qeybaha  kala duwan ee Xarunta safaaradda dowladda Federaalka ee Dooxa, waxaana kormeerka uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay  Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa Warbixinna ka dhageystay safiirka Soomaaliya u fadhiya Qadar Ambassador Cabdirasaaq Faarax Cali, iyo howl wadeennada safaaradda.

Rooble ayaa uga mahadceliyay Safiir Cabdirasaaq Faarax iyo wadeennada safaaradda Soomaaliya shaqooyinka iyo adeegyada ay u qabtaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dooxa.

Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maalmo kahor safar ku gaaray dalka Qatar, kadib markii Rooble uu Casuumaad ka helay Amiirka dalka Qadar Shiikh Tamim Bin Hamad Al-Thani, isla markaana uu la kulmay Amiirka.