Puntland iyo Galmudug oo ka shiray xaalada Amni ee Gaalkacyo

10

Saraakiisha Ciidamada Booliska Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa shir ka wada yeeshay Xaalada Amni ee labadan dhinac dardar galinta adkaynta amniga Gobolka iyo Xoojinta wadashaqayneed ee laamaha kala duwan, kadib markii uu booqasho ku tagay Saldhiga bartamaha magaalada Galkacayo qaybta Galmudug.

Taliyaha waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Saldhiga bartamaha Taliyeyaasha qaybta Gobolka mudug ee Galmudug Gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire iyo Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon Cali, Taliyaha taraafikada Galmudug  Aadan Urur,Taliye ku xigeenka qeybta gobolka G/dhexe Mudug Cabdi Saciid xussen “Koomaad”

Saraakiisha labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Cabdi Yare waxa ay  uga warameen sida Amniga Gobolka Mudug sida ay uga wada shaqeeyaan iyagoo tilmaamay in ay Guulo waawayn ka gaareen  ciribtirka waxkasta oo lidku ahaa Amniga Gobolka.

Taliye Cabdi Xasan Xuseen ayaa u mahadceliyay Saraakiisha Booliska labada dhinac isago ku booriyay inay balkaas wada shaynta ka sii wadaan.