Madaxweynaha Puntland oo magacaabay Guddi

12

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Guddi u magacaabay dardar gelinta iyo kasoo talabixinta Amniga Magaalooyinka Puntland gaar ahaan kan Caasimadda ee Garoowe.

Guddiga uu magacaabay Madaxweynaha ayaa ka kooban Seddex xubnood kuwaas oo dhammaantood rag ah.

Waxey kala yihiin Guddiga dardar gelinta iyo kasoo talabixinta Amniga Magaalooyinka Puntland ee Caasimadda  Garoowe:

• Gen. Bashiir Cabdi Maxamed (Guddoomiye)

• Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed Faroole (Xubin)

• Cabdirisaaq Ciise Xuseen (Xubin)

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa faray dhammaan laamaha Amniga iyo Hay’addaha kala duwan ee Dowladda Goboleedka Puntland in ay guddiga kala shaqeeyaan howsha loo xil saaray, una fududeeyaan sidii ay u gudan lahaayeen waajibaadkooda.