Muxuu kala hadlay RW Rooble Guddiga Amniga Doorashooyinka dalka?

3

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo is kugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka lahadlay Guddiga Amniga Doorashooyinka diyaar garowga Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa Guddiga auaa sheegay iney u diyaar goroobeyn howlaha Amni ee doorashada Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo uu Mr Rooble ku bogaadiyay howlaha amni ay bulshada u hayaan Guddiga Amniga Doorashooyinka dalka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa iney dalka ka bilaabato doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Dowlad Goboleedyada Hir-shabeelle, Galmudug iyo Jubbalànd Aysan soo dhameestirin Xubnaha aqalka sare ee BFS.