Madaxweynaha Somaliland oo safar deg deg ah ku tagaya Magalada laas-Caanood

5

Dhawaan ayaa waxaa la filayaa in Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi in uu booqasho ku tago Magalada laas-Canood ee Xarunta Gobolka Sanaag, halkaas oo ay ka dhaceen dilal iyo faslal amni daroo oo kale.

Wafdi horudhac u ah safarka Madaxwenye Biixi aya garay magalada laas-Canood, kuwaas oo ku howlan diyaarinta soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaliland iyo mas’uuliyiinta la socota.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa la filayaa in uu kulamo kala duwan la qaato Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada ee ku sugan Magaalada laas-Caanood, isaga oo kala hadli doona dilalka ka dhacaya.

Bulshada kunool Magaalada laas-Caanood ayaa sanadihii la soo dhaafay cabasho ka muujinayay Somaliland, iyaga oo sheegay in Ciidamada Somaliland aysan waxba ka qaban dhibaatooyinka amni darro ee ka dhacaya Magaladalas-Caanood.