Wasiir ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo gaaray Garoowe.

5

Jamaal Maxamed Xasan oo ah Wasiirka Qorshaynta xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe, isagoo usii gudbay dhinaca degmada Dhahar ee Gobolka Haylaan.

Saraakisha amniga ee ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa ka hadlay xiisad la sheegay iney ka dhalatay imaatinka Wasiirka Qorsheynta iyagoo tilmaamay iney waxba ka jirin arrintaasi.

Soo dhowaynta Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa haatan ka socota magaalada Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan halkaas oo dadweyne kala duwan ku sugan yihiin.

Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku jihaysan in uu mar kale ku laabto kursiga Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.