Madaxda QM oo ka shiraysa waxa laga yeelayo dalabka Taalibaan

3

Xubnaha golaha guud ee Q,M ayaa willi ka arrinsanaya sida laga yeelayo dab ka yimid ururka Taliban oo la xariir in wakiil ayaga ka socda uu ka hadlo shirka golaha ee ka socda magaalada New York.

Afhayeenka Q,M Istifaane Dujaarik ayaa sheegay in Taliban oo dhawaan si buuxda ula wareegay talada dalka Afghanistan ay shalay warqad soo gaarsiiyeen xoghayaha guud ee Q,M kaasoo asna dhex dhigay golaha waxaana uu intaa ku daray inay willi jirin wax go’aan ah oo arrintaan laga gaaray.

Taliban waxay wakiilkooda Q,M u magacaabeen Suhayl Shaheen oo ahaa  afhayeenkoodii Dooxa joogay kaasi oo la qorsheeyay in la qorsheeyay inuuu ka hadlo kulanka 76,aad ee Q,M.

Wakiiladda dalalka Shiinaha iyo Rushka ayaa u ol olaynaya in wakiilka Talibaan loo ogolaado inuu kulanka ka hadlo.

Gudiga maamulaya jadwalka kulanka Q,M ayaa sheegay in safiirkii Afghanistan u joogay Q,M inta ay dhicin dawladii hore oo la yiraahdo Qulaam Isaacay ayaa jooga kulanka hadda socda waxaana la qorsheeyay in asagu hadlo maalinta kulanka ugu dambaysa.