Ilyaas Dawaale “Jabbuuti kuma lug laha arrinta Fahad Yaasiin”

7

Wasiirka Maaliyadda Djibouti Ilyaas Maxamed Dawale ayaa beeniyay war kasoo yeeray Villa Somalia oo sheegayey in dowladda Djibouti ay xirtay La-taliyaha Amniga Qaranka,Fahad Yasiin.

“Jabuuti wax lug ah kuma laha arrinta -Fahad- Duulimaadku wuxuh ayaa mid transit (Dhaxdin) ah. Muqdishi ayaa laga diiddey, annaga wax faragelin ah kuma lihin arrinaha gudaha Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda, Ilyaas Dawaale.

Diyaaradaha Turkish Airline iyo Qatar Airways oo labaduba saaka duulimaadyo ku imaanyey Muqdisho ayaa iska diiday inay qaadaan Fahad Yaasiin, hase yeeshee sida Dowladda Djibouti sheegeyso, Villa Somalia ayaa isku dayday inay ku been abuurato Djibouti.

Ilo wareed ku dhow Safaaradda Turkey ee Muqdisho ayaa sheegay in sabab amniga diyaaradooda darteed ay u diideen inay Fahad Yaasiin keenaan Muqdisho,halka go’aan kaas la mid ah ay qaadatay diyaaradda Qatar Airways oo hab online ah ticket deg deg ah looga gooyey Fahad Yaasiin oo ku xaniban garoonka Djibouti.