Madaxweynaha ayaa si kumeel gaar ah hogaanka NISA ugu magaacabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir “inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.”
Xeerka Madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu “aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda”.