Kenya oo shaqaale ku kordhisay xafiiskeeda Hargeysa

13

Kenya ayaa shaqaale ku kordhisay xafiiskeeda Hargeysa ee Somaliland, sanad kadib markii labada dhinac ay fureen wada hadal ku saabsan iskaashi, sida warbaahinta dalka Kenya sheegtay.

Warqad ku taariikhaysan 2 -da bisha September, ayay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu Kenya u dirtay caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Saraakiisha ay Kenya u dirtay xafiiska ay Somaliland ka furatay ayaa kala ah Benson Mwaliko oo ah Madaxa, Xafiiska Xiriirka, Charles K Waichari oo ah La -taliyaha Labaad, iyo Grace Musau iyo Ronald Nyakweba oo ah Ku -Xigeennada Maamulka.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo daba-yaaqadii sanadkii la soo dhaafay ku kulmay Nairobi ayaa waxay hoosta ka xariiqeen afar arrimood oo waqti cayiman lagu dhaqaaqayo, si loo muujiyo saameynta wadashaqeynta.

In Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa ilaa dhammaadka bisha March ee sanadka 2021-ka. Muddadaas gudaheedana Somaliland waxay sii horumarineysaa howlaha xafiiskeeda Nairobi.

In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa meeshii loo gaaro dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar-sare, oo liiskooda lasoo gudbinayo, ay dal ku galka ku qaataan gudaha Kenya marka ay u soo safraan, taasoo la hirgalinayo ilaa dhammaadka bisha March ee 2021-ka.

In saraakiisha sar sare ee Kenya iyo Somaliland ay isku waafaqaan xogta iyo waqtiga la hirgalinayo barnaamijyo isweydaarsi ah oo lagu hormarrinayo Xirfadleyda beeraha, Ardayda, Dhakhaatiirta, kalkaaliyeyaasha iyo xirfadleyaasha kale.