Golaha Abwaanada oo taageeray go,aankii shalay kasoo baxay hanti dhowraha qaranka

6

Golaha Abwaannada Soomaaliyeed ayaa markale ka hadlay warqadii kasoo baxday shalay Xafiiska hanti dhowraha guud ee qaranka oo gabi ahaan lagu baabi’iyay in la kireeyo ama la iibiyo qeyb ka mid ah dhulka Xarunta Murtida iyo Madadaalada ee tiyaatarka qaranka islamarkaana ku socotay Wasaaradda Warfaafinta iyo dhaqanka gaar ahaan wasiirka Wasaaradaas Cusmaan Abuukar Dubbe,  kuwaas oo soodhaweeayay arrintaas.

Sidookale qoraalka Hanti DHowraha qaranka ee Maxamed Cali Afgooye ayaa lagu amaray in 72 saacadood ah uu uga laabtay heshiiskii tiyaatarka. Talaabadaas aye kooxda Hobollada Waaberi ku tilmaameen mid bogaadin mudan. iyagoo ku cel celiyey in inuusan iib aheyn Xarunta Murtida, Madadaalada iyo Wacyigelinta ee Tiyaatarka Qaranka  waa sida ay hadalka u dhigeen.

Kooxda hobollada Waaberi ka tirsan ee shirka jaraa’id ka hadlay waxaa ka mid ah Abwaan faarax Siyaad Maxamuud,  Abwaan Cabdullaahi Xaaji,  Abwaan Hiraab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Abwaanada Soomaaliyeed Abwaan Xirsi Dhuux Maxamed Wehliye ayaa sheegay in  Tiyaatarka uu hadda dhisan yahay, Wasiir Dubena looga baahan yahay inuu wax ka qabto meelaha kale ee hoostaga Wasaarada warfaafinta kuwaas oo dib u dhis u baahan.

Warqadii shalay kasoo baxday hanti dhoorka guud ee qaranka ayaa lagu faray in masuuliyiinta dowlada in aysan gali karin wax heshiis ah oo khuseeya xarumaha dowlada islamarkaana aysan Kireen Karin, Hibeyn karin lana iibin karin dhul dan guud ah.