R/wasaare Rooble oo kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga Dhexe

9

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubnihii la socday ayaa indho indheen ku sameeayay shaqada labadaas hey’aadood ka socota oo muhiim u ah nidaamka Maaliyadda dalka.

Intaa kadib Mr Rooble ayaa waxaa uu warbixin ka dhageestay Wasiirka Maaliyadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe, Xisaabiyaha Guud, kuwaas oo faahfaahin ka siiyay Ra’iisul Wasaaraha nidaamka maamulka maaliyadda dalka.