Hanti dhowrka qaranka oo fariin digniin ah u diray Wasiir Dubbe.

15

Xafiiska Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa ka hadlay markiisii ugu horreeaay Buuq iyo qeylo dhaan ka dhalatay dhawaan warqad uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, taas oo Shirkad ganacsato Soomaaliyeed ay leeyihiin loogu kireeyay qeyb ka mid ah dhul uu leeyahay Tiyaatarka Qaranka ee Muqdisho.

Xafiiska Hanti Dhowraha ayaa si adag ugu hadlay arrintaan isagoo gabi ahaan baabi’iyay heshiis lagu kireeyay dhul uu lahaa Tiyaatarka Qaran oo Banaan, Kadib markii laba mar ay arrintaani kahor yimaadeen Kooxda Hobballada Waaberi oo iskugu jira Fanaaniin, Abwaano, Musishino iyo Majaajilayaal.

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka ayaa sheegay in Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe uu si cad ugu xadgudbay nidaamka Dowliga ah iyo shuruucda kale ee dalka uu yaalo.