Qoor qoor oo kulan la qaatay wakiilka Midowga Afrika iyo AMISOM.

2

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kulan la qaatay maanta Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira oo ay wehliyaan Taliyaha Ciidamada AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Labada dhinac ayaa kulankooda diirada ku saaray Amniga deegaanada Maamulka Galmudug, doorashooyinka iyo sidii AMISOM ay gacan ugu geysan lahayd howlaha sugidda Amniga ee ka socda deegaanada Maamulkaas.