Booliska Kenya oo dilay rag lala xiriirinayo Al-shabaab.

6

Ciidamada booliska dalka Kenya ayaa dilay labo nin oo hubeysan, kuwaasi oo la sheegay in ay xiriir la leeyihiin dagaalameeyaasha Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa deegaan hoosta magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Kenya.

Wargeysaka The Star oo soo xiganaya saraakiisha booliska dalka Kenya ayaa sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen afar qori oo K47, islamarkaana ay ciidamada baaritaano ka wadaan qeybo ka mid ah magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Sidoo kale booliska ayaa  sheegay  koox iyaga ka tirsan ay howlgal ka fuliyeen deegaanka  hoostaga magaalada Wajeer, islamarkaana ay la kulmeen kooxahan hubeysan, kadibna uu halkaasi ku dhex maray iska horimaad koobaan.

Taliyaha boolsika gobolka waqooyi bari Rono Bunei ayaa sheegay in ay kordhiyeen  howlgallada ay ku baadi goobayaan xubnaha ka tirsan Al-shabaab, isagoona sheegay in qorshaha ay arrintaasi ka leeyihiin ay tahay sidii looga hortagi lahaa weerarada Al-shabaab ay ka fuliyeen gobolka Waqooyi bari Kenya.