Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal qaraar oo saaka ka dhacay degmada Buurhakaba ee gobolka Bay, kaas oo u dhexeeyay ciidamada taabacsan Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo ciidamo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Aadan Madoobe, kuwaas oo ku sugnaa degmada.
Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Buurhakaba ayaa sheegaya in ciidamada Laftagareen ay gudaha u galeen degmada, kadib dagaal xooggan oo saaka halkaasi ka qarxay.
Ilaa hadda, si rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka, mana cadda xaaladda guud ee degmada iyo sida ay wax uga jiraan goobaha ay ciidamada ku dagaallameen.
Xaaladda Buurhakaba ayaa weli u muuqata mid kacsan, waxaana isha lagu hayaa wararka dheeraadka ah ee kasoo baxaya dagaalka iyo halka ay ku dambeyn doonto gacan ku haynta degmada.











