La-taliyaha amniga qaranka Madaxweynaha Soomaaliya, Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, ayaa sheegay in howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM uusan Soomaaliya uga bixi doonin si kedis ah, balse bixitaankiisa lagu salayn doono qorshe ay dowladda Soomaaliya kula wareegayso mas’uuliyadda amniga dalka.
Danjire Aweys ayaa sheegay in qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya uu soo bilowday sanaddii 2022, kaddib qiimeyn wadajir ah oo dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ku sameeyeen awoodda dowladda ee ay kula wareegi karto hawlihii ay hay’adaha Qaramada Midoobay dalka ka wadeen.
Waxa uu sheegay in qiimeyntaas lagu go’aamiyay in Soomaaliya si tartiib ah ula wareegto mas’uuliyadaha kala duwan, iyadoo mudnaanta la siinayo siyaasadda, sharciga iyo caddaaladda, ka hor inta aan si buuxda loo soo afjarin howlgalka gaarka ah ee Qaramada Midoobay.
Danjiraha ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu sannadkii 2025 ansixiyay qorshaha loogu talagalay in Soomaaliya ay 31-ka Oktoobar 2026 si rasmi ah ula wareegto hawlihii ay UNTMIS ka wadday dalka.
“AU-SOM dalka kama bixi doonto,” ayuu yiri Aweys, isaga oo xusay in bixitaanka ciidamada Midowga Afrika lagu saleeyn doono hadba sida ay dowladda Soomaaliya ugu diyaar garowdo la wareegidda amniga.
Waxa uu sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ay si buuxda ula wareegto amniga dalka, balse muddada kala-guurka ay ku xirnaan doonto horumarka laga sameeyo dagaallada iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.
Aweys ayaa tilmaamay in haddii ciidamada dowladda iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab si wanaagsan loo xoojiyo, ay suuragal tahay in mas’uuliyadda amniga lagu wareego muddo ka gaaban qorshaha hadda la dejiyay, halka haddii xaaladdu sidaas ku sii adkaato ay qaadan karto waqti dheeraad ah.
La-taliyaha amniga qaranka ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha dowladda uusan ku koobnayn amniga oo keliya, balse uu isku xirayo amniga, caddaaladda iyo horumarinta dhaqaalaha, isaga oo ku dooday in saddexdaas arrimood ay yihiin saldhigga xasilloonida Soomaaliya.
Dhanka kale, waxa uu sheegay in Soomaaliya marka ay si buuxda ula wareegto hawlaha ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan dalka, xiriirka UN-ka uu noqon doono mid la mid ah kan ay Qaramada Midoobay la leedahay dalalka kale, sida Kenya, halkii Soomaaliya loogu sameyn lahaa hawlgallo iyo wakiillo gaar ah.











