Mareykanka oo weeraray qalabka gantaallada laga rido ee Iiraan oo ku yaala jasiiradda Larak

0

Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn ku qaaday laba xarumood oo ay yaalleyn qalabka laga rido gantaallada oo Iiraan leedahay jasiiradda Larak, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah. Tani waxay noqonaysaa duqeyntii ugu horreysay ee la ogyahay oo Mareykanku ku qaado Iiraan tan iyo dhammaadkii bishii Luulyo.

“Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) ayaa la arkayay iyagoo isu diyaarinaya inay gantaallo wata miinooyin badeed ku ridaan marinka Hormuz,” ayuu yiri taliyaha Tim Hawkins, oo ah afhayeenka Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM), sida laga soo xigtay CBS  News oo BBC bah-wadaag la ah.

IRGC ayaa sheegtay in weerarkii Axaddii lagu dilay laba qof, laba kalena lagu dhaawacay, iyadoo ku hanjabtay “jawaab iyo ciqaab”. Warbaahinta dowladda Iiraan ayaa markii dambe sheegtay in IRGC ay weerar ku qaaday bartilmaameedyo militari oo Mareykanku leeyahay oo ku yaalla Urdun.

BBC ayaa la xiriirtay CENTCOM si ay uga hesho faallo ku saabsan arrintan, balse kama soo jawaabin