Puntland oo sheegtay in Dowladda Federaalka ay madax-furasho siisay burcad-badeedda afduubtay markabka MV LUTUF

0

Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Puntland ayaa soo dhaweysay sii-deynta markabka xamuulka ah ee MV LUTUF iyo shaqaalihiisa, kaas oo burcad-badeed hubeysan ay 17-kii Agoosto 2026 ka afduubteen xeebaha Puntland.

Wasaaradda ayaa sheegtay in aysan jirin wax howlgal ah oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Dowladda Turkigu ku soo furteen markabka, iyadoo tilmaantay in warbixinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee 29-kii Agoosto ay arrintaas caddeyneyso.

Puntland waxay si adag u cambaareysay lacag madax-furasho ah oo la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay burcad-badeedda, iyadoo sheegtay in Dowladda Puntland ay muddooyinkii dambe dhex-dhexaadin ka waday xiriirrada u dhexeeyay saraakiil sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo burcad-badeedda, si loo fududeeyo bixinta madax-furashada iyo sii-deynta markabka.

Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sheegtay in bixinta madax-furashadu ay tahay khalad weyn oo dhaawacaya dadaallada lagula dagaallamayo burcad-badeednimada, isla markaana ay burcad-badeedda siinayso dhiirrigelin dhaqaale oo ay ku sii wadaan afduubka maraakiibta.

Puntland waxay sidoo kale ka digtay in arrintani ay adkeyn karto helitaanka xal waara oo lagu sii daayo maraakiib kale oo weli gacanta burcad-badeedda ku jira.

Dhanka kale, Puntland waxay cambaareysay duqeymo ay sheegtay in diyaaradaha Turkigu ka fuliyeen xeebaha Garmaal iyo Jiifle 18-kii iyo 20-kii Agoosto, kuwaas oo ay ku dhinteen muwaadiniin Soomaali ah, laguna burburiyay doonyo kalluumeysi.

Wasaaradda ayaa sheegtay in hay’adaha baarista dambiyada Puntland ay wadaan baaritaan ku saabsan dhacdooyinkaas, iyadoo xustay in dowladda Puntland ay Dowladda Turkiga kala xisaabtami doonto dhimashada muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo burburka hantidooda.

Puntland waxay sidoo kale ku tilmaantay mid nasiib-darro ah in Dowladda Turkigu ay bixinta madax-furashada burcad-badeedda u oggolaato, iyadoo isla waqtigaas duqeymo lagu dilayo dhalinyaro Soomaaliyeed laguna burburinayo doonyo kalluumeysi oo ku sugan xeebaha Puntland.

Ugu dambeyn, Puntland waxay mar kale ugu baaqday dhammaan bahwadaagta caalamiga ah, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Mareykanka iyo dowladaha kale, inay iska kaashadaan ilaalinta amniga badda iyo xorriyadda isu-socodka maraakiibta ee Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah burcad-badeednimada iyo dambiyada ka dhaca badda.

Puntland waxay sheegtay inay sii wadi doonto dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, burcad-badeedda iyo kooxaha kale ee khatar ku ah amniga badda iyo badbaadada dadka.May be an illustration of text