Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la bilaabayo isku-xirka Nidaamka Mushaar-bixinta Dowladda (Payroll/SFMIS) iyo Nidaamka Aqoonsiga Qaranka ee NIRA, si loo xoojiyo hubinta xogta shaqaalaha dowladda iyo nidaamka bixinta mushaaraadka.
Xafiisku wuxuu sheegay in haddii tijaabadu guulaysato, nidaamka si tartiib-tartiib ah loogu ballaarin doono hay’adaha kale ee dowladda, iyadoo qorshuhu yahay in hawsha lagu soo gabagabeeyo 31-ka Diseembar 2027.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay ujeeddadeedu tahay in la xaqiijiyo saxnaanta xogta shaqaalaha dowladda, iyadoo la isku waafajinayo xogta shaqaalaha, aqoonsigooda iyo nidaamka mushaar-bixinta, si loo yareeyo khaladaadka iyo shaqaale aan xaq u lahayn mushaar.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud ayaa sidoo kale ugu baaqay dhammaan shaqaalaha dowladda ee aan weli haysan Aqoonsiga Qaranka inay si degdeg ah isaga diiwaangeliyaan NIRA, si looga fogaado caqabado ama dib-u-dhac ku yimaadda bixinta mushaaraadka marka nidaamka cusub la hirgeliyo.












