Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha amniga iyo maamulka labada heer ee magaalada.
Safarka Madaxweyne Deni ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta amniga iyo kala dambaynta Gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale la filayo in dib-u-eegis lagu sameeyo xaaladda maamulka, adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee gobolka.
Dhanka kale, waxaa isbeddel ku yimid xaaladda ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Gobolka Mudug. Qaar kamid ah ciidamadaasi ayaa u gudbay dhanka Galmudug, halka ciidamo kale ay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka.
Sidoo kale, waxaa maanta dhammaaday muddadii laba maalmood ahayd ee ay Puntland u qabatay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland, iyadoo loogu baaqay inay isu soo dhiibaan oo ay ku biiraan ciidamada Puntland.











