Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ugu baaqay dhammaan ciidamada hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan ee Puntland inay isi soo dhiibaan, kuna soo laabtaan nidaamka sharciga.
Madaxweyne Deni, oo hadlay saacado kadib hawlgal amni oo ciidamada Puntland ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, ayaa sheegay in cid kasta oo diidda awaamiirta hay’adaha amniga laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah. Wuxuu sidoo kale sheegay in hawlgallo kale la fulin doono haddii loo baahdo si loo xaqiijiyo amniga iyo kala dambeynta.
Hadalka madaxweynaha ayaa yimid iyadoo Puntland ay sheegtay inay si guul leh u soo gabagabeysay hawlgal amni oo qorshaysnaa oo saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo.
Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Puntland, hawlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ay ku eedeeyeen inay khatar ku ahaayeen amniga iyo kala dambeynta magaalada Gaalkacyo.
War-saxaafadeed ay soo saareen ciidamada Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay saraakiil ay ka mid yihiin Giijaale Cabdi Baydhabo, oo lagu tilmaamay taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo ee ciidanka PSF, iyo saraakiil kale oo ay Puntland ku eedeysay inay Dowladda Federaalka u qaabilsanaayeen diiwaangelinta ciidamada laga qoray gobolka Mudug.
War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray in hawlgalka lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, oo ay ku jiraan tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro, kabaha Booliska iyo qalab kale oo Puntland ay sheegtay inuu qayb ka ahaa deeq ay Dowladda Shiinaha hore ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay ciidanka PSF oo saakay weerar lagu qaaday xeradooda ku taala Gaalkacyo.











