Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay hub iyo ciidamo uu sheegay in madaxweyne Sheekh Maxamuud, uu u diray magaalada Gaalkacyo, isagoo ku eedeeyay tallaabadaas inay abuurtay xiisad isla markaana halis ku tahay nabadda, xasilloonida iyo wada noolaanshaha shacabka ku nool gobollada Galmudug iyo Puntland.
War-saxaafadeed uu goluhu soo saaray ayaa lagu sheegay in dagaalka ka dhashay hubka la geeyay degmada Gaalkacyo uu tusaale u yahay khataraha ka dhalan kara waxa uu ku tilmaamay masuuliyad-darro iyo damac siyaasadeed oo uu leeyahay madaxweynaha xilku ka dhamaaday, iyagoo sheegay in tallaabooyinkiisu maalinba maalinta ka dambaysa ay khatar ku yihiin dalka, shacabka iyo dowladnimada Soomaaliya.
“Waxaa layaab leh in xilli ay kooxda argagaxisada ah ee Al-Shabaab ay dib ula wareegayso deegaanno dhiig badan ku daatay xoreyntooda, uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday hubkii iyo ciidamadii dalka ka xoreyn lahaa u adeegsanayo in uu xiisado uga abuuro deegaanno nabdoon,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Golaha Mustaqbalka.
Goluhu wuxuu sheegay in magaalada Gaalkacyo ay tobannaankii sano ee la soo dhaafay kasoo kabanaysay colaado iyo dagaallo sokeeye, balse ay walaac ka muujinayaan waxa ay ku tilmaameen hurinta colaad hor leh oo magaalada ka dhalan karta, taas oo sii kordhin karta xasillooni darrada iyo amni xumada.
Ugu dambeyn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay maamulka, isimada dhaqanka, culimada, waxgaradka iyo bulshada rayidka inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ay ka hortagaan colaadda uu goluhu sheegay in laga hurinayo magaalada Gaalkacyo.












