Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah u sheegtay inay soo dhawaynayso Xildhibaan Fahiima Yuusuf Cabdillaahi (Quuje), oo hore uga tirsanaan jirtay Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari, kadib markii ay ku dhawaaqday inay ka tanaasushay aragtidii Soomaaliweyn islamarkaana ay ku biirtay qaddiyadda Somaliland.
Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik, ayaa sheegay in Fahiima Quuje ay qaaday tallaabo muhiim ah oo ay ku dooratay inay dib ugu soo laabato Somaliland. Wasiirku wuxuu ku tilmaamay Fahiima siyaasi miisaan leh, isagoo sheegay in ay tahay “johorad, dheeman iyo boqoradda Afrika,” sida uu hadalka u dhigay, isla markaana uu aad ugu faraxsan yahay inay Somaliland ku soo noqoto.
“Waxa kusoo oodantay siyaasaddii ay ku jirtay, waxayna doonaysaa siyaasad ballaadhan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inay Somaliland kusoo guryo noqoto, oo ay dadkeedii iyo dalkeedii la midowdo. Waxay qaaday tallaabo aad u weyn,” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Cabdimaalik.
Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aanay Fahiima cidina ku khasbin go’aanka ay qaadatay, balse uu yahay mid ay si madax-bannaan u gaadhay, inkasta oo ay jireen wada-hadallo iyo wadatashi dhex maray dhinacyada. Waxa uu sidoo kale sheegay in Somaliland ay soo dhawaynayso cid kasta oo doonta inay ku soo biirto, isagoo xusay in xaaladda nabadgelyada ee deegaannada barigu ay deggan tahay isla markaana ay dhammaatay colaaddii hore.
Wasiir Maxamed Cabdimaalik ayaa sheegay in Somaliland ay sidoo kale soo dhaweysay cuqaal iyo siyaasiyiin ka yimid magaalada Laascaanood, kuwaas oo uu ku jiro siyaasi hore Madaxweyne Ku-xigeen uga soo noqday maamulkii hore ee SSC-Khaatumo.
Dhanka kale, Xeer Ilaalinta Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhowaan ka codsatay baarlamaanka maamulkaas in xasaanadda laga qaado Fahiima Quuje si baadhitaan loogu sameeyo eedo la xidhiidha hadalladeeda siyaasadeed. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegayay in Fahiima ay ku sugan tahay magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, iyadoo iyaduna sheegtay inay u sii jeeddo magaalada Hargeysa.











