Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey Guddoomiye ku-meel-gaar ah oo loo magacaabay Rugta Ganacsiga Qaranka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey magacaabista Yaasiin Maxamuud Cibaar inuu noqdo Guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyadoo la kala diray guddigii hore ee hay’addaas.

Go’aanka ayaa lagu gaaray shirkii toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda, guddoomiyaha cusub ayaa loo xil saaray inuu diyaariyo habraaca doorashada iyo dhismaha guddiga cusub ee Rugta Ganacsiga muddo laba sano gudahood ah.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira xaaladda amniga dalka iyo natiijooyinka baarista Hanti-dhowrka Qaranka ee sannadaha 2024 iyo 2025.

Golaha Wasiirrada waxa kale oo uu meel mariyey dhowr hindise sharciyeed, habraacyo iyo heshiisyo caalami ah, oo ay ka mid yihiin habraaca isku xirka farriimaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada, hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Dakhliga Qaranka, iyo heshiisyo iskaashi oo Soomaaliya la gashay dalalka Croatia iyo Sacuudiga, iyo sidoo kale Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Intaa waxaa dheer, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey ku biirista Soomaaliya ee Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah.

Dhanka magacaabista diblomaasiyiinta, Golaha Wasiirrada ayaa darajada safiirnimo u dallacsiiyey Shaafi Nuur Calas Faarax, halka Cabdifitaax Maxamed Ibraahim loo magacaabay safiir cusub.