Cali Balcad oo ka hadlay xayiraadda fiisaha Midowga Yurub: “Arrintu kuma xirna eVisa-da Soomaaliya”

0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in doodaha lagu xiriirinayo xayiraadda fiisaha ee Midowga Yurub iyo nidaamka eVisa-da Soomaaliya ay yihiin kuwo marin-habaabin ah oo aan sax ahayn.

Cali Balcad ayaa sheegay in tallaabada Midowga Yurub aysan ahayn qiimeyn ku saabsan hab-maamulka dowladda Soomaaliya, balse ay tahay arrin la xiriirta socdaalka iyo iskaashiga dib-u-celinta dadka si aan sharci ahayn u jooga dalalka Yurub.

Wuxuu xusay in Soomaaliya aysan ahayn dalka kaliya ee wajahaya tallaabooyin noocan ah, isagoo tilmaamay in dalal kale oo ay ka mid yihiin Itoobiya, Ciraaq, Bangladesh, Gambia iyo Senegal ay sidoo kale la kulmeen ama lala xiriiriyay tallaabooyin la mid ah.

Wasiiru-dowlaha ayaa difaacay nidaamka eVisa-da Soomaaliya, isaga oo sheegay in loo sameeyay casriyeynta, fududeynta iyo sugidda habraacyada gelitaanka dalka, islamarkaana uusan ahayn nidaam lagu go’doominayo Soomaaliya.

Cali Balcad ayaa ugu dambeyn ugu baaqay in caqabadaha dalka si masuuliyad leh loo wajaho, lana xoojiyo hay’adaha, nidaamyada dowladda iyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay beesha caalamka.