Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in Soomaaliya ka gudbeyso siyaasad shaqsiyeed, kuna socoto doorasho qof iyo cod ah

0

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dalka uu si tartiib ah uga guurayo nidaamkii ku salaysnaa siyaasadda shaqsiyaadka iyo awood-qaybsiga qabiilka, isla markaana uu u socdo hannaan cusub oo ku dhisan xisbiyo siyaasadeed iyo doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha oo ka hadlayey munaasabadda caleemasaarka Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ayaa sheegay in Soomaaliya “ay ka daashay siyaasadda ku saleysan shakhsiga,” ayna lagama maarmaan tahay in loo gudbo nidaam dowladeed oo hay’ado iyo xisbiyo adag ku dhisan.

Waxa uu xusay in inkastoo ay jiraan caqabado amni iyo duruufo sababay in doorashooyin aan laga qaban karin dhammaan deegaannada dalka, haddana horumarka la gaaray uusan ahayn mid la iska indho tiri karo, isla markaana dib u dhacyadu aysan ka dhignayn in geeddi-socodka siyaasadeed hakad galay.

“Dalku wuxuu bilaabay isbeddel siyaasadeed oo weyn, waxaana si tartiib ah looga gudbayaa doorashooyinkii dadban iyo nidaamkii ku salaysnaa awood-qaybsiga qabiilka,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xisbiga JSP uu xaq u leeyahay saamiga ugu badan ee golaha wasiirrada ee la dhisayo, hase yeeshee ay jiri doonto in sidoo kale la tixgeliyo xisbiyadii kale ee ka qayb galay doorashooyinka.

“Aniga iyo Aadan Madoobe waxaan gaarnay isfahan, balse duruufaha jira awgood, xisbiyada kale ee ka qayb qaatay doorashooyinka sidoo kale waa la siin doonaa saamigooda,” ayuu raaciyay.