Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa sheegay in uusan aaminsaneyn in Puntland ay ku dhawaaqi doonto go’aan goponi goosad ah, isagoo xusay in xaaladda taagan ay u baahan tahay wada-hadal siyaasadeed iyo is-afgarad.
Wareysi uu bixiyay, Cumar Cabdirashiid ayuu ku sheegay in mararka qaar siyaasiyiintu ay adeegsadaan arrimo xasaasi ah marka ay ku guuldareystaan wax ka qabashada dhibaatooyinka amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
“Waqtiyada ay siyaasiyiintu ku fashilmaan xalinta dhibaatooyinka jira, waxaa dhacda in shacabka lagu mashquuliyo dooddo siyaasadeed oo xasaasi ah,” ayuu yiri.
Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in cabashooyinka Puntland ee la xiriira dowladda federaalka ay mudan yihiin in laga wada hadlo, balse uusan u arkin inay horseedi karaan tallaabo degdeg ah oo dhinac keliya laga qaado.
Wuxuu sidoo kale xusay in Puntland ay hore u soo saartay awaamiir xaddidayay wada-shaqeynta wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda federaalka, arrintaas oo, sida uu sheegay, saameyn ku yeelatay hirgelinta mashaariic u baahan iskaashi labada dhinac ah.
Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuusan rumeysneyn in shacabka Puntland ay taageeri doonaan tallaabo kasta oo lagu dhawaaqayo go’aan iskeed u taagan, isagoo ku tilmaamay bulshada Puntland kuwo si qoto dheer u fahamsan duruufaha siyaasadeed ee dalka.
Mar uu ka jawaabayay su’aal ku saabsan cabashada Puntland ee ah inaan si ku filan loo dhegeysan, ayuu sheegay in dowladda federaalka ay ku saxan tahay inay la tashato oo ay wada-hadal la yeelato Puntland.
“Wada-tashigu waa muhiim. Haddii dowladda federaalka ay ka fogaato la hadalka Puntland, iyada ayaa yareyneysa baaxadda saameynteeda iyo awooddeeda siyaasadeed,” ayuu yiri.
Cumar Cabdirashiid ayaa labo jeer raysal wasaare ka soo noqday Soomaaliya, isagoo haatan sheegay inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya.











