Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka oo kala saxiixday heshiis horumarineed oo $45 milyan ah

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB) ayaa si rasmi ah u kala saxiixday Qaab-dhismeedka Iskaashiga Dalka (CEF) ee sanadaha 2026 illaa 2028, kaas oo ah heshiis lagu maalgelinayo mashaariic horumarineed oo qiimahoodu gaarayo $45 milyan.

Heshiiska ayaa waxaa magaalada Baku ku kala saxiixday Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Islaamka, Dr. Muhammad Al Jasser.

Qaab-dhismeedkan cusub ayaa hagaya iskaashiga maaliyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo IsDB saddexda sano ee soo socota, iyadoo diiradda la saarayo mudnaanta horumarineed ee dowladda Soomaaliya iyo qorshayaasha kobaca dhaqaalaha dalka.

Sida lagu sheegay heshiiska, maalgelinta ayaa xoogga saari doonta laba dhinac oo waaweyn. Qodobka koowaad ayaa ah horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan qaybaha tamarta iyo beeraha, si loo kordhiyo wax-soo-saarka, loo dardargeliyo kobaca dhaqaalaha, loona yareeyo saboolnimada.

Qodobka labaad ayaa diiradda saaraya horumarinta awoodda aadanaha, iyadoo la maalgelinayo adeegyada caafimaadka, tababarrada xirfadaha iyo kor u qaadista aqoonta shaqaalaha, gaar ahaan haweenka iyo dhallinyarada.

Wasiir Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in heshiiskani uu xoojinayo xiriirka iskaashi ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka, isla markaana uu horseedi doono fursado cusub oo lagu maalgeliyo mashaariic wax ka beddeli kara nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Heshiiskan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay dadaal ugu jirto soo jiidashada maalgelin caalami ah iyo xoojinta dib-u-dhiska dhaqaalaha kadib sanado ay dalka saameeyeen colaado iyo caqabado dhaqaale.