Qoor Qoor: Galmudug waxay u baahan tahay doorasho loo siman yahay iyo wada-tashi siyaasadeed

4

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa sheegay in Galmudug ay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan wada-tashi iyo is-afgarad, xilli ay cirka isku shareertay xiisadda siyaasadeed ee la xiriirta doorashada maamulkaasi.

Madaxweyne Qoor Qoor oo maanta hadal ka jeediyay munaasabadda Ciiddul Adxaa, ayaa sheegay in aan xal lagu gaari karin kala qaybsanaan iyo go’aanno dhinac keliya laga wado, isaga oo ugu baaqay siyaasiyiinta iyo bulshada Galmudug inay doortaan wada-hadal iyo isu tanaasul.

“Galmudug waxay u baahan tahay doorasho loo siman yahay oo ku dhisan talo wadajir ah oo dhexda taal,” ayuu yiri madaxweynaha.”

Qoor qoor ayaa sheegay in xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka soo socda ay u baahan yihiin “wada-tashi, is-qancin iyo wada-xaajood,” isaga oo sheegay in aanay jirin waddo kale oo lagu gaari karo xal waara.

“Waxaan u baahannahay doorashooyin lagu heshiiyay, talo wadajir ahna lagu gaadhay. Ma jirto waddo kale oo horumar lagu gaari karo marka laga reebo wada-tashi, isu tanaasul iyo wadahadal,” ayuu yiri.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale ka digay isku day kasta oo lagu kala qaybinayo bulshada Galmudug ama lagu faafinayo “been iyo barobagaando,” isaga oo sheegay in shacabka ay hadda leeyihiin door muuqda oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee maamulka.