Qaramada Midoobay oo ku baaqday iskaashi lagu xoojinayo amniga Soomaaliya

8

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taageerada isbeddelka amniga Soomaaliya ay u baahan tahay iskaashi caalami ah oo xooggan si loo xaqiijiyo nabad iyo amni waara oo ka hirgala dalka Soomaaliya.

Kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu muujiyay taageerada dhinaca amniga ee Soomaaliya u baahan tahay, halkaas oo ay ku kulmeen Safiirka Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya, Charles King, iyo Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Qurat ul-Ain Sadozai.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay taageerada UNSOS ee howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya, sidoo kale waxay diiradda saareen xoojinta awoodda ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Boqortooyada Ingiriiska ayaa sheegtay inay uga mahadcelinayso UNSOS doorkeeda muhiimka ah ee ay ka qaadanayso taageerada amniga iyo howlaha nabad-dhisidda Soomaaliya, iyadoo dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay wada-shaqeynta saaxiibada caalamiga ah.

UK ayaa sidoo kale tilmaantay in iskaashi joogto ah oo lala yeesho hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ciidamada Soomaaliya uu muhiim u yahay sidii loo taageeri lahaa “safarka Soomaaliya ee ku aaddan nabad iyo amni waara.