Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Hadlay Xaaladda Muqdisho iyo Gogosha Dowladda u Fidisay Mucaaradka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay xaaladda magaalada Muqdisho iyo doodaha ka dhashay is hortaagii maanta lagu sameeyay mucaaradka iyo bannaanbaxii baaqday.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay diyaar u tahay wada hadal iyo gogol nabadeed oo loo fidiyo mucaaradka, si looga wada hadlo arrimaha siyaasadeed iyo cabashooyinka jira.

Waxa uu tilmaamay in ay tahay xaq dastuuri ah in shacabka iyo siyaasiyiintuba ay cabashadooda soo bandhigi karaan, isla markaana ay muujiyaan aragtidooda ku aaddan dowladda iyo xaaladda dalka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii mucaaradku dowladda ku eedeeyeen inay carqaladeysay bannaanbax ay qorsheynayeen in maanta uu ka dhaco Muqdisho, iyadoo ciidamada ammaanka ay xireen waddooyin iyo goobo muhiim ah oo magaalada kamid ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isagoo adkeeyay muhiimadda wadatashiga iyo xalinta khilaafaadka siyaasadeed.