Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Cumar ayaa sheegay in aysan jirin wax faragelin ah oo ka imaaneysa Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho, isagoo beeniyay warar la xiriiray kulan siyaasadeed oo la sheegay in 13-ka May lagu qabanayo xarunta safaaradda.
“Ma jiro kulan la qorsheeyay, mana jirto wax faragelin ah oo safaaradda Mareykanka ka waddo Muqdisho,” ayuu yiri Cali Balcad, isagoo intaas ku daray in dowladda ay hayso waraaqo uu sheegay in qaar kamid ah mucaaradka ay u direen dhinacyo caalami ah si loogu cadaadiyo dowladda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ku eedeeyay qaar kamid ah mucaaradka inay warqado u direen hay’adaha caalamiga ah sida Bankiga Adduunka, si loo hakiyo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid la mid ah dhaqamadii hogaamiye-kooxeedyadii hore ee dalka.
“Waxaan moodaa inay ka gudbeen mucaaradnimo oo ay u gudbeen qaab kale oo wax lagu raadinayo,” ayuu yiri, isagoo ugu baaqay mucaaradka inay dib ugu soo laabtaan hannaan siyaasadeed iyo tartan dimuqraadi ah.











