Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada, Tom Fletcher, ayaa maanta soo gaaray magaalada Mogadishu, isaga oo bilaabay booqasho rasmi ah oo diiradda lagu saarayo kordhinta gargaarka iyo wax ka qabashada baahiyaha bini’aadannimo ee ka jira dalka.
Wafdigan heerka sare ah waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Mudane Xasan Maxamed Cali, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibada Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle.
Wafdiga ayaa ka qayb-galaya kulamo ku saabsan horumarinta hannaanka gargaarka, maalgelinta mashaariicda bani’aadannimo, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa barakacayaasha.
Sidoo kale, Tom Fletcher ayaa la filayaa inuu safar ugu kuurgal ah ku tago magaalada Baydhabo, halkaas oo uu si dhow u soo indha-indheyn doono xaaladda nololeed ee kumanaan qoys oo ay saameeyeen abaaraha iyo colaadaha.
Booqashadan oo bilaabatay maanta oo ay taariikhdu tahay 27-ka Abriil ayaa socon doonta ilaa 1-da May 2026.
Waxayna imaanaysaa xilli Soomaaliya ay u baahan tahay taageero caalami ah oo xooggan si looga jawaabo dhibaatooyinka bani’aadannimo, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballan-qaadday inay xoojinayso iskaashiga ay la leedahay dowladda Federaalka Soomaaliya.











