Midowga Yurub iyo dalalka xubnaha ka ah ayaa ansixiyay lacag dhan €75 milyan oo lagu taageerayo howlgalka African Union Support and Stabilization Mission in Somalia, iyagoo markale xaqiijiyay in EU ay tahay taageeraha ugu weyn ee howlgalada uu hoggaamiyo African Union.
Deeqdan cusub ayaa ka dhigaysa wadarta taageerada EU ay siisay howlgalada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku dhowaad €2.8 bilyan labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Danjiraha EU ee Midowga Afrika, Javier Niño Pérez, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu fulinayo ballanqaadyadii lagu gaaray shirkii AU-EU ee ka dhacay Luanda, isagoo xusay in ay sii xoojinayaan taageerada howlgalada amni ee Afrika ay hoggaamiso.
“EU mar kale waxay caddeyneysaa inay tahay lammaane lagu kalsoonaan karo. Waa muhiim in la xoojiyo amniga dadka Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka,” ayuu yiri.
Dhankiisa, Wakiilka Midowga Afrika ee Arrimaha Siyaasadda, Nabadda iyo Amniga, Bankole Adeoye, ayaa sheegay in AU ay soo dhoweyneyso taageeradan dhaqaale, taasoo xoojin doonta howlaha AUSSOM.
Adeoye ayaa sidoo kale bogaadiyay dalalka ciidamadooda ku biiriyay howlgalka, isagoo tilmaamay doorkooda muhiimka ah ee nabadeynta Soomaaliya.
Taageeradan cusub ayaa qayb ka ah iskaashiga ballaaran ee u dhexeeya AU iyo EU, kaas oo ku saleysan ajendaha horumarineed ee Afrika ee 2063 iyo aragtida wadajirka ah ee labada dhinac ee ku aaddan nabad, amni iyo dowlad wanaag.
Dhanka kale, Madaxa Siyaasadda Arrimaha Dibadda ee EU, Kaja Kallas, ayaa kulan la yeelatay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mahmoud Ali Youssouf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta nabadda iyo amniga Afrika iyo saameynta colaadaha caalamiga ah.











