Safaaradda Midowga Yurub oo xaqiijisay inuu socdo wada-hadallo ku saabsan xoojinta taageerada AUSSOM

2
Safaaradda Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay socdaan wada-hadallo ku saabsan kaalinta uu EU-gu ka qaadan doono Taageerada Cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), taas oo ah howlgalka beddelaya howlgalkii ATMIS ee waqtigiisu dhammaaday.

Ambassador Francesca Di Mauro ayaa u sheegtay SNTV in Midowga Yurub uu diyaar u yahay inuu sii wado taageerada Soomaaliya, balse ay muhiim tahay in beesha caalamku si wadajir ah u qaadato mas’uuliyadda amniga iyo xasilloonida dalka.

Waxay ku tilmaantay in Howlgalka AUSSOM yahay mid aad loogu baahan yahay, iyadoo muujisay rajo ah in taageerada EU-ga si rasmi ah loogu dhawaaqi doono shirka AU-EU ee soo socda ee ka dhacaya magaalada Luanda.

Ambassador Di Mauro ayaa sidoo kale iftiimisay doorka tooska ah ee Midowga Yurub ku leeyahay dhismaha awoodda ciidamada Soomaaliya, Waxay sheegtay in EU-gu ku bixiyay in ka badan €100 milyan Ciidanka Xoogga Dalka (SNA) tan iyo sanadkii 2021, taas oo ku baxday tababarka, dhismaha kaabeyaasha ciidamada iyo qalab siin si loo xoojiyo awoodda difaaca qaranka.

Midowga Yurub ayaa weli ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee taageera ammaanka, dowladnimada iyo horumarinta Soomaaliya, iyadoo taageeradan cusub ay noqon doonto mid qeyb weyn ka qaadata marxaladda kala guurka ee amniga dalka.