Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay kadib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu sheegay in ay jiraan quwado shisheeye oo si toos ah u taageeraya kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa ku micneeyay hadafka quwadahaan iyo ujeedkoodu yahay in ay qabsadaan dalka Soomaaliya, waxaase uu shaaca ka qaaday in Dowladda ay qorshayaashaasi ka hortagtay.
Wasiirku wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay dadaal badan gelisay sidii loo fashilin lahaa qorshahan, islamarkaana ay guul weyn ka gaareen in ay hor istaagaan faragelintaas shisheeye iyo taageerada lagu siinayo kooxaha argagixisada.
“Waxaan si cad u ognahay in Dowlado shisheeye ay taageerayaan Kooxda Al-Shabaab si ay dalka gacanta ugu dhigaan, balse nasiib wanaag, dowladda Soomaaliya waa ku guuleysatay in ay ka hortagto arrintaas,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay sii wadi doonto dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo cid kasta oo garab siinaysa si loo xaqiijiyo ammaanka iyo xasiloonida dalka.
Wasiirka ma uusan sheegin Dowladaha gadaal kasoo riixaya Kooxda Al shabaab, balse dhowaanahaan waxaa soo baxayay warar sheegaya inay iskaashi sameeyeen Kooxaha Al shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen oo xulufa ah Dowladda dalka Iraan.