Madaxweyne ku xigeenka Golaha Hogaaminta Qaranka Yemen, Caidarus Az-Zubaidi, ayaa magaalada Caden kulan rasmi ah kula yeeshay Safiirka Soomaaliya ee Yemen, Cabdulxakiin Maxamed Axmed, iyadoo si qoto dheer looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amni ee gobolka.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Maashiq ayaa yimid iyadoo gobolka Geeska Afrika uu wajahayo dhibaatooyin isa soo taraya oo la xiriira xasillooni darro siyaasadeed, tahriib, iyo dhaqdhaqaaqyada kooxaha xagjirka ah.
“Waa in la mideeyaa dadaallada gobolka si loo sugo nabadda marin-biyoodka Gacanka Caden iyo Badda Cas,” ayuu yiri Az-Zubaidi, isagoo si gaar ah uga digay xiriirka sii fida ee ka dhexeeya Al-Shabaab, Xuutiyiinta iyo Al-Qaacida.
Safiirka Soomaaliya, Cabdulxakiin Maxamed Axmed, ayaa dhankiisa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay in xiriirka Yemen iyo Soomaaliya uu noqdo mid istaraatiiji ah, isagoo xusay in iskaashi dhab ah uu fure u yahay amni waara.
Madaxweyne Az-Zubaidi ayaa shilkaasi ku tilmaamay mid naxdin leh, wuxuuna ku baaqay in la helo xalal waara oo lagu yarayn karo qaxootiga iyo muhaajiriinta ku safra waddooyinka halista ah ee badda.











