Firdhiye ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ka codsatay sii daynta qayb ka mid ah maxaabiistii ay Somaliland ka haysteen, isla markaana lagu sii daayay talo ay ka qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada reer SSC-Khaatumo.
“25 maxbuus oo xaalado gaar ah ku sugan, oo ay hooyo Cadar ka mid tahay, ayaa la sii daynayaa. Waxa aynu u sii daynaynaa si aan niyad-wanaag u muujinno, una tusno in dadka reer SSC diyaar u yihiin nabadgalyo iyo daris-wanaag,” ayuu yidhi Firdhiye.
Wuxuu sheegay in maxaabiista dambiyada culus lagu tuhunsan yahay ay horgayn doonaan maxkamad, isla markaana ay rajeynayaan in maxaabiista kaga xidhan magaalada Hargeysa la sii daayo.
Sii daynta maxaabiista ayaa timid kadib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay dowlad-goboleed buuxa oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo keentay in maamulkaasi aqbalo codsiga dowladda.
Xukuumadda Somaliland weli kama hadlin arrinta maxaabiista, ilaa haddana lama oga in ay si toos ah uga aqbali doonto, iyo in dowladda Soomaaliya diyaarad u saari doonto Hargeysa, maadaama aanu xidhiidh wanaagsan ka dhaxayn labada dhinac.