Raysal Wasaare Xamsa: “Reer Hargeysa calanka waa jecel yihiin, waxaan ugu baaqayaa midnimo”

8

R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo weli ku guda jira booqashada uu ku joogo magaalada Laascaanood ayaa khudbad uu xalay jeediyay waxa uu ku sheegay in SSC-Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha ayaa ugu baaqay saaxiibbada Soomaaliya in SSC-Khaatumo ay ula dhaqmaan sida maamul la mid ah maamullada kale ee Soomaaliya ka jira.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale shaaciyay in SSC-Khaatumo ay qayb ka noqon doonto madsaha wada tashiga qaran ee Soomaaliya. “Khaatumo oo fadhiisata madasha wada tashigu waxay soo kordhin doontaa talo, caqli iyo ciidan, ” ayaa uu yidhi.

Raysalwasaare Barre ayaa sheegay “in qaran-jabkii Soomaaliya uu keenay in goobtii calanka laga taagay haddana laga diido isaga oo sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimada oo sida uu sheegay ay iyagu hormuud u ahaayeen.”

“Gobollada waqooyi oo ay magaalada Hargaysa kow ka tahay, waa goobta ugu qiimaha badan ee calanka laga taagay, dadkeedana aan hubo in ay yihiin kuwo calanka aad u jecel. Laakiin waxa jirta taariikh khaldantay oo loo baahan yahay in la saxo oo uu keenay qaran-jabkii Soomaaliya.” Ayaa uu yidhi.