Sida ay daabacday shabakadda xogaha sirdoon soo bandhigta ee Africa Intelligence oo fadhigeedu yahay dalka Faransiiska, Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa xafiiskii u horreyay ee kumeel-gaar ah ka furatay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.
Xafiiskan ayaa waxaa la sheegay in ay sidoo kale ay booqdeen ugu yaraan labo mar tan iyo bishii Jannaayo xubno ka tirsan CIA-da si ay uga taageerraan Puntland dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Daacish ee ka socda Buuraleyda Cali-miskaad ee gobolka Bari.
Tan iyo markii uu soo bilowday dabayaaqadii bishii December ee sannadkii hore ayaa Mareykanka waxaa uu Puntland ku taageerray duqeymo dhinaca cirka ah oo lagu dilay xubno sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Daacishta ee ku dhuumaaleysta Buuraleyda Cali Miskaad ee Gobolka Bari, iyadoona la kala wareegay inta badan dhulkii ay ku jireen kooxda.
Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xubnaha CIA-da inay tababbar siiyeen xubno ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA, halka sidoo kale sirdoonka Ingiriiska iyo Morocco ay la shaqeynayaan CIA-da iyo hay’adda sirdoonka Puntland, kaddib markii la oggaaday xubno badan oo ka soo jeeda Morocco inay ka barbar dagaallamayaan Daacish, maadaama ciidanka Puntland ay ku dileen dagaalka socda.
Sidoo kale Morroco ayaa si adag uga hortagtay in ay muwaadiniinta u soo safraan Buuraleyda Cali-miskaad, arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii wada shaqeyn xooggan uu dhexmaray Sirdoonka Moroco iyo Puntland.
Warbixinta ayaa sidoo kale daahda ka qaaday in sirdoonka Mareykanka ay xoojiyeen duqeymaha ay ka fuliyaan deegaanada ay ku dhuuntaan maleeshiyaadka Daacish ee ka tirsan Buuraleyda Cali Miskaad ee Gobolka Bari.
Maalin ka hora yay aheyd markii diyaaradaha mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen Buuraleyda Cali-miskaad, halkaasina ay ku dileen xubno ka tirsan Kooxda Daacish, sida lagu warbixin ay soo saareen Taliska Afiricom.