Taliye Ciidan iyo Askar ka tirsan Puntland oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhacay Garoowe

4

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in dagaal  u dhexeeyay ciidamada Puntland uu ku dhexmaray kontorool ku yaala Magaaladaasi.

Inta la xaqiijiyey laba askari ayaa ku geeriyootay, halka afar kalana ay ku dhaawacmeen oo uu ku jiro Taliyihii Garoonka Diyaaradaha Garoowe, sida la sheegay, kadib markii israsaaseen ay ku dhexmaray  kaantaroolka bari ee caasimadda Garoowe  ciidanka Booliiska iyo Ciidan kale oo la sheegey in ay ka yimaaddeen gobolka Bari.

Dhaawaca Taliyaha Garoonka diyaaraha Garoowe Axmed Jeego ayaa lagu daaweynayaa mid ka mid ah isbitaalada ku yaala magaaladaasi.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Booliska iyo maamulka Gobolka Nugaal, kaasi oo ku aadan in ay fahfaahin ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen.